Nidaamka Garnaqa ee Xeer bulsheedka Soomaalida

Hordhac

Soomaalidu waa bulsho  u abaabulan qaab-dhaqameed gaar ah oo ay kaga soocan tahay bulshooyinka kale, isku xiran oo leh nidaam maamul dhaqan oo ku saleysan hannaaanka kala danbeynta qaybaha bulshada. kala danbeyntaas waxaa lagu hagaa nidaam (Xeer) ay jideeyeen kuwa usoo joogay waayaha iyo sooyaalka bulshada.
waagii hore sidaan oo kale ayaa garta geed lagu dhameynjiray


Xeerarka bulshada Soomaalida waxaa ka mid ah kuwa la xiriira GARNAQA ee xeerbeegtidu u adeegsadaan xaqsiinta dulmanaha iyo gaarista go'aanno cadaalad ah.

Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbin doonaa -hadduu Alle idmo- qormooyin aan kaga faalloonayo nidaamka garnaqa ee xeer bulsheedka Soomaalida.
Dad aan xeer lahayn iyo xoolo aan xero lahayn, labadaba meel la iskuma keeno

Qaab-dhismeedka bulshada iyo samaysanka xeer

Hannaan dhismaha bulshada ayaa keenaya inuu samaysmo xeerku, waayo, Soomaalidu waa bulsho in badan oo ay soo jirtay aan lagu xukumin sharciyo iyo nidaam dawli ah. Maadaama aysan jirin hay'ado dawli ah oo wada gaara gayiga Soomaalida, isla markaana ay jirto baahi loo qabo nidaam iyo kala dambeyn, ayaa waxaa abuurmay, nidaamka xeerka dhaqan oo ku yimid baahida bulshada.

Garnaqu wuxuu u dhigmaa, nidaamka garsoorka dawliga ee ka jira magaalooyinka iyo tuulooyinka madaniga ah.

Dawladihii soomaray Soomaaliya, tan iyo intii xorriyada la qaatay, ma aynan wada gaarsiin dhulka bulshada baadiyuhu degto, garsoorka Maxkamadaha caadiga ah. Xornimada ka horna, Soomaalidu waaba diidanayd, xukunkii gumeystaha iyo sharciyadiisa intaba.

Bulshada Soomaaliyeed waxay u sameysantahay nidaam reereed isugu xiran qaab dhalyo-wadaag ah (dhiig) oo qayb waliba oo meel deggani waxay leedahay xeer u gaar ah oo ay dhaxdeeda ku dhaqanto ama qaybaha la jaarka ah kula dhaqanto. Waxaan akhriyay qoraallo lagu soo bandhigay xeerka oo ay dadkii qoray ku sunteen (tilmaameen) inay yihiin XEERKA SOOMAALIDA, balse ku saabsan keliya qaybo bulshada ka mid ah, waxaase xusid mudan in xeerarku intaa ka ballaaranyihiin.

Walow xeerarka garta ay tilmaamo guud wadaagaan, haddana, kala duwanaanshiyaha u dhexeeya degaannada waxaad ka heli kartaa, magacyada tusmeeya, xeerarka la raaco, qaabka garnaqa iyo dhinacyo kaloo badan. Waxaad arkaysaa, inaan degaannadu isku si' u aqoon ama u laheyn xeerar garnaq (garsoor) oo mideysan.

Bulshada Soomaalidu waa noocya badanyihiin, iyagoo, marka horeba, u qaybsanaa degaan, ayuu haddana degaan waliba u sii qaybsamaa waaxyo kala duwan sida xirfad, tuse: Beeraley, Xoolaley iyo Kalluumeysato. Marka, xeerka degaan gaar ah ka jira, kama dhaqangalo degaan kale.




... la soco qaybta xigta






2 comments:

  1. Maasha Allah Barahaygii Jaamacada Carafaad Cali
    Macalim Horay u soco Bogani waxaan rajaynayaa in wax Badan uu nagu soo kordhin doono aniga iyo khyaarta iga yaryar ee dhaqanka Ku jiho wareedhay.
    Waad Ku Mahadsantahay mar kale

    ReplyDelete
  2. Mahadsanid Xuseen, waxaan rajeynaa adiguna inaad nagu biiriso wixii karaan ah.

    ReplyDelete