Waano iyo Wacaal
Waa aniga oo ka qaybgelaya aqoon isweydaarsi 2012 |
Waxaan halkan bulshada kula wadaagi doonaa hadduu Alle idmo,
qormooyin kooban oo xambaarsan talooyin iyo xog ku saabsan qaybo nolosha
bulshada ah.
Inta badan waxaan ka qori doonaa, qaybaha nolosha ee aan u
soo joogay ama aan wax-ka-ogahay.
Falanqaynta iyo bandhigga aragtiyada ku jira qormooyinkeyga waxay
ku egyihiin keliya fekerkayga iyo sida aan u arko dhacdooyin iyo xog oo aan ka
eegayo marba dhinaca ujeeddada qormada la xiriira, sidaa awgeed, kama tarjumeyso
shakhsiyaddeyda iyo waxa aan ahay.
Waxaa laga yaabaa inaadan igu aragti ahayn ama aadan ka eegin
meesha aan ka eegayo ama sidoo kale aad/an hayn xogta la xiriirta.
Fadlan iigu dulqaado haddii aadan igu aragti ahayn, adigoo qaybta
faallada iigu reebi kara aragtidaada. Haddii aad hayso ama ogtahay xog ka duwan
mida aan soo bandhigay, fadlan ila wadaag xogta aad hayso ee la xiriirta
qormadayda.
waa garanay, soo daabac aan daalacannee
ReplyDeleteMahadsanid, ha sugi weyn, hana ka daalin.
ReplyDelete