Hordhac
Halbeegga nidaam dimuqraadi ah lagu garto waa iney jirtaa doorasho meerta ah oo qabsoonta dhowrkii sano ba mar, hadba sida lagu heshiiyo. Ujeedka doorashadu waa isla-xisaabtan lagu xisaabinayo wakiillada bulshada ee tookadii la soo gudbay. Natiijadu ama waxey noqotaa in wakiilladii hore loo cusbooneysiiyo ama wakiillo cusub la doorto.
Doorashadu waxey keentaa xasillooni siyaasadeed iyo mid nabadgelyo, abuurtaa jawi kalsooni bulshada dhexdeeda ah waase haddii lagu saleeyo cadaalad bulshadeed iyo habraacyo loo simanyahay. Haddiise sifooyinkaas la waayo, waxaa cabdsi laga qabaa iney bulshada kala fur-furto, siyaasad aan fadhin iyo nabadgelyo xumo baahda, oo intuba ka dhasha sinnaan la'aanta iyo dal-daloollada cadaaladda ka fog.
Soomaaliya waxaa soo maray doorashooyin heer Qaran iyo heer D/Hoose laga soo billaabo 1963 ilaa 1986.
Seddax sano ka dib markii dalkeenu xorriyadda qaatay, waxaa dalka oo dhan ka qabsoontay doorashadii Dowladaha Hoose 1963, sanadkii ku xigayna waxaa loo dareeray doorashadii xubnaha Golaha Sharci-dejinta Qaranka 1964. 1969 waxaa mar qura la wada qabtay doorashooyinka heer Qaran iyo heer D/Hoose.
1963 ilaa 1969 doorashooyinkii dalkeena ka qabsoomay waxaa saldhig u ahaa; nidaamka metalaadda isu-dheellitiran oo ay xisbiyada badan ku tartamayaan. Isu-dheelli-tirkuna yahay, in xisbi waliba kuraasta Baarlamaanka uu ka helo tiro u dhiganta codadka guud ee uu doorashada ka helay. Waxaa la oggolaa in murashixiin madax bannaan ay tartamaan.

Doorashooyinkaasi waxaa kasoo baxay xisbi aqlabiyad ah oo
hoggaamiya Dowladda, SYL. Waxaase ay ku danbeeyeen in Madaxweynihii la dilo 1969 ka dib na ciidanku awoodda la wareegaan. Sababo badan ayaa la maleeyaa iney keentay sidaas iney wax u dhacaan, waxaase dadka wax falanqeeyaa ku soo koobeen, in nidaamka dimuqraadiga ahi ku cusbaa Soomaalida, isla markaana ay yareed aqoonta hirgelin dimuqraadiyad caadil ah. Taasi waxey keentay in musuq iyo qabyaaladi saameyso nidaamkii doorashada.
Intii uu jiray maamulkii ciidanku, Dalka waxaa ka dhacay seddax doorasho, doorashayinkii Golayaasha Shacabka ee 1979, 1984 iyo doorashadii Madaxweynaha 1986. Waa markii u horreysay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda toos ay shacabku u doortaan. Xilligaas, Dalka oo idil waxaa ka jiray hal xisbi oo ku dhisan nidaamka Hantiwadaagga ee danta guud keliya loo wada shaqeeyo.
Nidaamkii halka xisbi ee Dowladdii Millaterigu ma waarin waxaana loo aaneeyaa asbaab badan, balse ay ugu muhiimsan tahay, inuu oggolaan waayey ka qaybgal siyaasadeed iyo inuu ka hor-joogsaday dhaliilidda Nidaamka, sidaasna loo waayey isla-xisaabtan.
Laga soo billaabo 2000 ilaa 2016, waxaa lagu jiray nidaam dadban oo ku saleysan awood qaybsiga beelaha ee 4.5. Intii nidaamka dadban lagu jiray, shan jeer ayaa doorasho dadban qabsoontay. Dalka gudihiisa 2012 iyo 2016, dibeddana, Jibuuti 2000 iyo 2009; Kenya 2004. Nidaamkaas dadban wuxuu soo maray is-bedallo samaan iyo xumaan ba watay.
Warbixintii Guddiga Golaha Shacabka ee Soojeedisay Nidaamka Aqlabiyadda
Ka dib markii Xukuumaddu u soo gudbisay Baarlamaaka, Hindisaha Sharciga Doorashooyinka 2020/21 lagu maamuli doono. Golaha Shacabku wuxuu u yeelay, guddi dib-u-eegis ku sameeya kana soo talo bixiya.
![]() |
Liistada xiran waa in shacabka loo bandhigo keliya xisbiyada |
Hindisaha Xukuumaddu soo gudbisay waxaa saldhig u ah, nidaamka Matelaadda isu-dheellitiran liistada xiran ee xisbiyada badan ka qaybgelayaan. Liistada xiran wuxuu suurta gelinayaa in Xisbiyada lagu waajibiyo dhowrista miisaanka beelaha ee liisaska murashaxiintooda.
Haseyeeshee, Guddiga Baarlamaanigu wuxuu soo jeediyay, nidaam ka Aqlabiyadda. Oo ay ku macneeyeen in kursi-kursi gooni loogu tartamo, cod hal dheeri ahna lagu kala baxo, oo murashixii ugu cod bataa guuleysnayo. Waxey kaloo soo jeediyeen in Xisbiyo lagu tartamo, Xisbiyaduna ay dhowraan matelaadda beelaha!.
Waxaan halkan ku eegi doonaa, sida laysu haleeshii karo; Doorasho qof iyo cod ah ku saleysan Aqlabiyad (cod dheeri ah), Xisbiyo iyo Beelo, iyadoo aysan jirin duruufihii sahli lahaa, sida wadamada Nidaamkaas raaca ay leeyihiin.
Nidaamka aqlabiyadda (cod dheeri) waa mid ka mid ah nidaamyada doorasho ee dunidu ku dhaqanto. Ingiriiska, Mareykanka iyo Kanada waa wadama qaatay nidaamkan. Sidoo kale, Wadamada deriska nala ah; sida Kenya iyo Itoobiya ayaa ku dhaqma Nidaamka cod dheerida ku saleysan.
Sida, nidaamka kasta ee doorasho leeyahay ba, Nidaamkani wuxuu leeyahay samaan iyo xumaan, haseyeeshee, Dowladuhu waxey ku dedaalaan iney samaantiisu badato, iyagoo u raacaya sida ugu habboon.
Sahlanaanta fulintiisa, Xukuumad xasilloon ay ka dhalato inta badan, xisbiyada xag-jirka ah ee aqlabiyadda yar ay haraan, iyo iney codbixiyayaashu la xisaabtami karaan cidii ay doorteen waa meelaha uu ku fiicanyahay. Si kastaba, Nidaamkani wuxuu horseedi karaa; iney abuurmaan xisbiyo beeleed, dadyowga laga badan yahay oo metalaad waaya, iyo inuu guuleysto qof aan aqlabiyadda bulshada ka tarjumeyn, eeg sawirka kore.
Weydiinta muhiimka ah waxa ay tahay, sidee Nidaamkani xilligaan Soomaaliya uga hirgeli karaa ?
Intaanad ka fekarin jawaabta suurtagalka ah, bal ila eeg arrimaha uu baahanyahay Nidaamkan cod dheeriga ahi:
- Wuxuu u baahanyahay tiro koob, waayo kursiga deegaan la dhigayo waa in lagu saleeyo tirada deegaanka.
- Waa in la diiwaangeliyo codbixiyaasha doorashada ka qaybgeli kara.
- Waa meel waliba doorasho ka qabsoomi kartaa
- Waa inuu jiraa Habraac Sharci oo qeexaya sida xisbiyadu ugu tartamayaan doorashada, oo khilaafaadka dhasha lagu xallilo.
Intaas waxaa Dalkeena u dheer, sida laga yeelayo, Somaliland, deegaannada amni-darridu ka jirto iyo nidaamka beelaha ee 4.5?
Sidee laysu waafajin doonaa, doorasho qof iyo cod ah iyo kursi beeli leedahay? sidee beelaha looga dhaadhici doonaa dadka ayaa idin la dooranaya kursigiina?
Waa weydiimo wadada (jidka) u yaal oo sugaya in Guddiga iyo xubnaha kale ee labada Gole ee Baarlamaankeenu u helaan jawaabo aan mugdi gelin hannaanka doorashada oo aan abuurin natiijooyin aan ciribtooda la mahdin.
Qodobka koowaad ee Dastuurku wuxuu dhigayaa in nidaamkeena xukunku loogu tartamo qaab xisbiyo badan ah. Haddaba sidee laysu waafajin doonaa, tartan xisbiyo iyo nidaamka cod dheerida ah? haddii kuraasta 4.5 ay hadda tahay lagu saleeyo oo beel waliba kursiga loo dhigo deegaanka ay u badantahay, sidee xisbiyadu u soo dirsanayaan murashax beeshaas keliya ah?
Sida Sharciga Xisbiyada ee 2016 dhaqangalay uu muujinayaa, xisbiyadu waa hay'ado ay ku bahoobeen muwaadiniin aragti siyaasadeed oo mideysan leh. Si taasi u suurtagasho, qodobka 12 (6) ee Sharciga Xisbiyadu wuxuu dhigayaa, in xubnaha Baarlamaanku luminayaan xubinnimada Golaha ay ka tirsanyihiin haddii ay ka baxaan xisbigii ay doorashada ku soo galeen, si waafqasan qodobka 59-aad faq (1 c) ee Dastuurka. Sidaasi nidaamka codka hal dheerida ah kama suurtagaleyso, waayo xildhibaanku wuxuu yeelanayaa deegaan doorasho uu matelo oo la xisaabtamaya, waana qabiilkiisa. Halkaas waxaa kasoo baxaysa, sidee laysu waafajinayaa dhiirrigelinta nidaamka siyaasadda xisbiyada lagu tartamo iyo deegaan doorasho qabiil ah? soo suurtagal ma aha in dib loogu noqdo 1969?
Weydiimahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa horyaal cidda go'aamineysa nidaam doorashada ku habboon Soomaaliya 2020/21. Muhiimaddu waxa ay tahay inuu nidaamkaasi ka hortago qalalaase iyo xasillooni-darri ka dhalata doorashada, waana inuu noqdaa mid bulshadu ka wada qaybgasho oo aan cidna laga hor-istaagin inuu tartamo ama wax doorto haddii uusan sharcigu u diidin. eeg qodobka 46 ee Dastuurka.
Walow uu dhaliillo badan leeyahay, haddana nidaamka Matelaadda isu-dheellitiran ee Liistaha Xiran, waa nidaam noqon kara buundo (bridge) isku xira waaqica maanta la joogo iyo doorasho dimuqraadi ah oo qof iyo cod ah, una dhacda si xor iyo xalaal ah oo la qabto marka duruufuhu saamaxaan.
Arafat Ali.
Waa aragti shakhsigeyga ah.