Qaraxu waa mid ka mid ah waxyaabaha soogalootiga ku ah ee aan shucuubta kale kaga daysanay, horeyna aan looga aqoon dalkeena. Qaraxu waa musiibooyinka dalkeena loo soo waariday ee geysta khasaarooyin iyo mahadhooyin aan ciribtooda la mahdin. Anigoo ah muwaadin u soo joogay in badan dhacdooyin badan oo ka dhashay qaraxyada, waxaa feker ahaan ii soo baxay inuu bulshada iyo deegaankaba u geysto khasaare dhinacyo badan:
1. Khasaare Nafeed:
Ilaahow weydii muxuu ii dilay?
2. Waayid xubno muhiim ah
6. Burburka Hantida
Qaraxyada waxaa ku halaagsama Hanti iyo maal dad ay leeyihiin. dhismayaal, gawaari, dukaamo, ganacsiyo yar iyo hanti ayaa ku burburta. Dadka qaar hantidoodu waxaa dhibaatadu ku soo noqotay dhowr jeer oo markasta ku khasabtay iney markale dib u dayactiraan.
8. Jidadka oo Xirma:
Dhimashada waxaa xiga, in dad badan oo nolol ahaan u badbaaday ay ku waayeen lixaadka iyo qaar xubnohooda jirka ugu muhiimsan sida Indhaha, Dhagaha, Lugaha, Gacmaha. Qaar kalena ayba naafo noqdeen aan kaalmo la'aan noolaan karin. Dadkaas kaalintii ay ku jireen oo ay baneeyaan ka sokow, waxay culeys hor leh ku noqonayaan bulshadii markeedii horeba la daalaa dhaceysay dhibaatooyin nololeed oo dhinacyo badan.
3. Agoon iyo Rajo:
Qarax markuu dhaco waxaa hubaal ah in guryo badan iyo qoysas badan ay u hoyato ama ku waabariistaan geeri iyo waayid xubno qoysaskooda ka mid ah. ka sokow, xanuunka ay leedahay waayid qof kugu qaali ah oo noloshaadu ku tiirsaneyd, haddana Caruur badan oo ku waalid iyo walaal waaya, waxay ku keentaa iney keligood la kulmaan nolosha sugeysa ee
waxbarasho, nooli iyo mustabal ba leh. Taasoo huggaan iyo hagid la'aan waalid awgeed keenta in da'yartu ka lumaan hilinka toosan.
4. Argagixinta bulshada
Khasaaraha nafeed iyo mid maal ka sokow, qaraxu wuxuu wataa dhawaq aan maqalka u rooneyn oo ku baaha deegaan ballaaran oo ka fog goobta uu ka dhacayo, qof waliba oo maqlana wuxuu u maleeyaa inuu korkiisa ka dhacay. Meel nolol ka jirtay oo deggan ayaa durbaba dadku inta daayaan wixii ay hayeen waxay ka warwaraan dhibta dhacday. Warwarka naftooda ka sokow, raadinta ehelladooda iney wax soo gaareen iyo inkale ayaa hawsha. Arrintaan oo soo noqota marar badan waxay isu bedashaa xanuun dhimirka ku dhaca oo sababa nooc ka mid ah waallida. Natiijada laga maleyn karo waa inaan bulshadaas laga sugeyn horumar iney gaarto maadaama garaadkeedii la dhaawacay.
5. Sumeynta Deegaanka
Qaraxyadu waa walxo loogu talogalay iney geystaan burburin ballaaran. Kiimikada iyo sunta hawada raaceysaana waxay ka mid tahay wasakhoobidda hawada oo maaddooyinka sunta ah ee ka baxayana ay keenaan dhibaatooyin deegaanka iyo caafimaadka dadka labadaba waxyeela. Beryahaan danbe waxaa soo batay calaamado caafimaad darro oo aan horey loo aqoon, waxaana ka mid ah cudurrada neefta iyo dhalmada. Dad badan oo qaba cudurrada habdhiska neef mareenka ayaa soo batay, sidoo kale, dhiciska iyo korriimo la'aanta/yarida ilmaha dhalanaya oo ku badan deegaannada qaraxu ka dhaco.
6. Burburka Hantida
Qaraxyada waxaa ku halaagsama Hanti iyo maal dad ay leeyihiin. dhismayaal, gawaari, dukaamo, ganacsiyo yar iyo hanti ayaa ku burburta. Dadka qaar hantidoodu waxaa dhibaatadu ku soo noqotay dhowr jeer oo markasta ku khasabtay iney markale dib u dayactiraan.
7. Burburka Kaabayaasha Danta Guud:
Khasaaraha hantida gaarka loo leeyahay ku yimaad waxaa dheer, burburka ku yimaada kaabayaasha iyo adeegyada danta guud sida, Jidadka ku duma qaraxyada, layrarka ifiya wadooyinka oo ku xumaada, geedaha hooska leh ee gubta, dhismayaasha loogu adeego dadweynaha sida Isbitaallada oo burbura.
8. Jidadka oo Xirma:
Qarax markuu dhaco waxaa si joogta u xirma waddooyinka aada goobta uu ka dhacay si looga badbaado qaraxyo kale. Xirnaanshaha jidadkuna waxay mushkilad ku yihiin nolosha bulshada, waayo isu socodka ganacsi, waxbarasho, caafimaad iyo mid bulsho intaba waxaa saameynaya jid gooyadaas looga gaashamanayo qaraxa.
9. Cuuryaaminta Horumarka:
Horumarka aan ka hadlayo waa midka dhaqaale iyo kan bulsho. Waxaa jira dad Soomaaliyeed oo dibadaha uga soo noqday si ay dalkooda u maalgashadaan, dadkaasi waxa ay soo kordhiyeen mashaariic horumarineed oo nolosha qaybaheeda isugu jira sida kuwa ganacsi, waxbarasho, caafimaad. Hoteello, maqaayado casri ah, goobo dalxiis, carwooyin lagu iibiyo badeecooyin kala duwan, intuba waxay shaqo abuur u sameeyeen dad badan, waxay ka qayb yihiin bilicda magaalooyinka. Niyad-jabka ku yimaad yididiillooyinkaas, iyo cabsida ku kordheysa fursadaha maalgashiga caalamiga ah inuu dalka yimaad waxay sabab u noqoneysaa inaan lagu dhiirran nooleynta nolosha, taasoo cuuryaamisa horumar inuu ka dhaco dalka.
10. Rajobeel ku dhaca bulshada iyo haajiridda dhallinta:
Noloshu markii ay ciriiri gasho, shaqo la'aan jirto, horumar uusan muuqan, jiilka soo socda waxay ku dhalisaa niyad-jab iyo iney ka fekeraan meel dhaanta oo mustaqbal iyo nolol leh. Waxaa bata haajiridda dhallinta iyo dadka wax yaqaan kaddib markii ay ka quusteen nolol nabadgelyo leh.
"Rag gogoshii waa nabad"
Intaas oo khasaare ah iyo inkale oo badan ayaa qaraxyada laga dhaxlaa, waxaase dul-istaag mudan weydiimahaan:
Khasaaraha qaraxu keeno waaba aragnaye maxaa laga faa'iidayaa? ujeedkuse muxuu yahay?
Qaraxii qaw yiraa dadka qaaruu qoor jaraaQaarna lixaadkiyo xubnuhuu qaar jaraaQaarna qacdiiyaa qalbiga qayb tirtaaQaarna hoygiyaa hareeruhuu soo dumaanQaarna noloshiyo himiladuu han-jabshaaQaarna xoolihiyo tabacuu dab marshaaQaarna mahadhiyo mininkow murug galshaaQaar kalena suntuu hawaduu marshaaQaar ujeedku xuu ahaa yay ku qayliyaanQaarna gows danbeedkey ka qoslayaan